Dhiibo Aragtidaada

Halakaan ku qor fakarkaada

Please wait...


Wararka

August 2, 2012

Murashax Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id qabtay+Sawirro

80


Murashax  Xasan Sheekh Maxmuud ahna Gudoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka  ayaa  maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho isagoona kala hadlay  howlaha Gudiga  Farsamadda , Odayaasha Dhaqanka iyo  Koontada Haweenka ee Xildhibaanada cusub.

Muarshaxa oo marka hore ka hadlay   howlaha socday ayaa sheegay in markii horaba Xisbiga uu cadeeyey in qaabka ay wax u socdaan aysan ahayn  mid qurux badan islamarkaana  aanan lagu kalsoonaan Karin  hayeeshee waxauu tilmaamay in  xaaladda haatan uu dalka ku jira  ay ka sii liidato.

”Anaga dabcan horaan u sheegnay process-kaan ma quruxbadna  si fiicana looma sameeyn  laakin hadda marxaladda aan ku sugan nahay ayaa wax walba ka liidata, marka anaga hore ayaan go’aan ku gaarnay in uu socdo process-ka si xaaladaan looga gudbo sidaas ayaanu ku taageernay ” ayuu yiri Murashax Xasan Sheekh.

Murashaxa  oo ka hadlay  qaabka xulista xildhibaanadda cusub ayaa tilmaamay in ay jiraan dhibaatooyin horyaala Odayaasha dhaqanka ee ku howlaan soo xulista Baarlmaanka cusub ee Soomaaliya.

“ Waxaa iyagu laftigooda loo diidan yahay  soo xulis xildhibaanada tii oo ay  dheertay in marti qaadyo loo sameeynayo  taas oo sameeyn ku yeelaneeysa in xildhibaano sax ah  soo baxaan, waxaa jirta in Odayaasha qaar aysan xur u ahayn in ay soo xulaan xildhibaanadda” ayuu yiri  Murashaxa Xasan Sheekh.

 

Xasan Sheekh  Maxamuud ayaa  shirkiisa jaraa’id  sidoo kale uga hadlay  guddiga farsamadda soo xulista ((technical  selection committee)  isagoona ku tilmaamay in ay yihiin dadkii loo baahnaa  islamarkaana qibrad u leh  arrimaha loo wakiishay hayeeshee waxa sheegay in ay jiraan mashaakilaad waa weyn oo lagu hayo.

“ wiilaal iyo gabdho Soomaaliyeed oo waayo aragnimo leh ayaa soo xulay gudiga farsamadda soo xulista baarlmaanka laakin waxaa heysta mashaakilaad waa weyn, tusaale ahaan , ma jirin hab raac  la siiyey gudiga fursadna looma siin mid iyagu ay sameeystaan, waxaa dhacay in xubin gudiga ka mid ah in nin xildhibaan doon ah inta foomkii ka soo qaadeen iyagu si toos ah ay ugu dhiibaan guddiga farsamadda, arrinkaasina waa qalad” ayuu yiri  Murashax Xasan Sheekh.

Waxa uu hadalkiisa raaciyey “  waxaan araknay  warqado  Ugaas uu soo saxiixay qaarna la qabtay qaarna la diiday aniga ma garanayo waxa ay arrinkaasi kala socdaan Guddiga farsamadda, waxaa kaloo dhacday in  nin xildhibaan doon ah si toos ah foomka  ugu geeystay Guddiga farsamadda  “ayuu yiri Murashax Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Gudigga Farsamadda in ay hubiyaan in beesha ay u dhan tahay ragga ka mid noqon doona Xildhibaanadda cusub islamarkaana ay u fiiro lahaadaan   si ay uga hortgaan wax walba oo isdaba marin ah  maadaama masiirka Soomaaliyeed ay qayb ka yihiin.

 

Ugu dambeeyntii Murashax Xasan Sheekh  ayaa ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed in ay meel saaraan kootaddii  baarlmaanka ay ku lahaayeen haweenka Soomaaliyeed islamarkaana guddiga farsamadduna ay hubiyaan  qoontada  haweenka.

“Gabdhaha Soomaaliyee xaqbeey u leeyihiin waana la garanayaan wax tarkooda marka waa in la ilaalaiyaa kootadii haweenka  ee ahayd 30% waa lagu heshiisyey  anagu ka mid ma ahayn dadkii ku heshiiyey laakin waa in la fuiliyaa waxii lagu heshiiyey haweenkuna la siiyaa xaqooda” ayuu yiri  Murashax Prof: Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa ka mid ah Murashaxiinta ugu cad cad ee u taagan  qabashadda xilka Madaxweynenimadda ee Soomaaliya ee la filayo in lagu doorto 20 bisha Agoosto magaalada Muqdisho.

 

 






0 Fakar


Be the first to comment!


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *


*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>


Facebook

Twitter